Maanta oo Sabti ah waxaa Norway soo gaaray daawadii ugu horeysay ee Talaalka Corona ee Norway, waxaana isla beri oo Axad ah lagu wadaa in qofkii ugu horeeyay Talaalka lagu duro talaalka Corona.
Qadarka daawada Talaalka Norway maanta soo gaaray ayaa ah 9750, waxaana lagu talaali karaa dad gaarayo 5000 qof. Waxaana lagu wadaa in Norway ay hesho 35.000 oo daawada talaalka ah, kahor inta aan la gaarin sanadka cusub. Kadibna ay Norway isbuuc walba soo gaaraan 40.000.
Hey´addaha FHI ayaa sheegtay in beri oo Axad ah qofkii ugu horeeyay lagu durayo talaalka, waxaana lagu bilaabi doonaa xarun kamid ah kuwa lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah oo Oslo kutaal.