Booliska magaalada Bergen ayaa xalay fiidkii toogasho ku dilay nin 30-meeyo jir ah, kaas oo markii hore ay boolisku rabeen inay soo qabtaan. Waxaana inta aysan boolisku xabadaha furin kahor uu wadahadal gacan ka hadal isku badalay dhexmaray booliska iyo ninka ay toogteen.
Taliyaha qeybta Booliska Bergen Kaare Songstad ayaa dhanka kale sheegay in falkaas uu ku dhacay gudaha guriga uu ninkan ku sugnaa xiligaas, uuna ninkan ahaa qof ku hubeysan Mindi. Ayna boolisku ku fureen xabado ay kasoo gaareen dhaawacyo uu markii danbe isbitaalka ugu geeriyooday.
Qeybta booliska Norway u qaabilsan falalka danbiyada noqon kara ee booliska ka dhaca xiliga ay shaqada kujiraan, ayaa isla saakaba bilaabay inay baaraan dhacdadan, iyaga oo sheegay inay ogaan doonaan waxa booliska ku qasbay inay adeegsadan xabado.
Ninka at boolisku dileen oo 39-jir ahaa, ayay boolisku sheegeen inuu ahaa qof ay boolisku horey u yaqaaneen, uuna ahaan qof horey loogu eedeeyay danbiyo ay kamid ahaayeen daroogo iyo waxyaabo la xiriira.