tirsdag, april 16, 2024

Su’aalo ka taagan xalaalnimada tallaalka COVID-19.

Ayada oo shirkadaha caalamka ay orod ugu jiraan inay soo saaraan tallaalka COVID-19, dalalkuna ku hardamayaan inay noqdaan kwua ugu horreeya ee hela, ayaa waxaa soo baxaya su’aalo la xiriira haddii tallaalka qaarkiis uu ku jiro walxo ka yimid doofaarka.

Dufan loo yaqaan gelatin, oo ka timid doofaarka, ayaa inta badan lagu daraa tallaalada, si loo xasiliyo, loona xaqiijiyo bad-qabka iyo wax ku oolnimadooda marka la keydinayo ama loo dhoofinayo.

Shirkadaha qaar ayaa sanado badan horumarnayey tallaal aan lagu darin maadadaas, waxaana ka mid ah kuwa ku yaalla Switzerland, Saudi Arabia iyo Malaysia.

Hase yeeshee qiimaha badan eek u kacaya iyo muddo jiritaanka gaaban ee tallaalada aan laheyn gelatin-ka doofaarka, ayaa ka dhigi karta in inta badan tallaallada lagu daro, sida uu sheegay Dr. Salman Waqar oo ah xoghayaha guud ee ururka Dhqaatriirta Muslimiinta ah ee UK.

Afhayeeno u hadlay shirkadaha Pfizer, Moderna iyo AstraZeneca ayaa sheegay in tallaallkooda COVID-19 uusan ku jirin wax doofaar ah. Warkan ayaa ah mid wanaagsan maadaama saddexdan shirkad ay yihiin kuwa ugu caansan ee illaa hadda soo saaray tallaalka COVID-19.

Islaamka ayaa sidoo kale ku kala duwan arrintan, waxaana culimada qara dooddooda ay tahay in tallaalka la adeegsan karo, sababtoo ah “waxyeelo ka weyn” ayaa dhici karta haddii aan la qaadan, sida uu sheegay Dr. Harunor Rashid oo wax ka dhiga Jaamacadda Sydney.

Dalka Indonesia oo ah kan ugu Muslimiinta badan caalamka, ayaa Golaha Culimada waxa uu 2018-kii soo saaray go’aan ay ku diideen isticmaalka tallaalada jadeecada iyo kuwa kale oo ay ku jirtay maadada gelatin-ka.

Indonesia, dowladdu waxay horey u sheegtay inay ku dari doonto hay’adda culimada muslimiinta nidaamka iibinta iyo shahaadooyinka ee COVID-19.

Dalalka Islaamka badankood ayaa la filayaa inay qaadaan tallaabo la mid ah tan Indonesia oo ay ka xaqiijinayaan in la hubiyo tallaalada COVID-19, kadibna ay bixiyaan shahaadooyin xaqiijinaya inay ka maran tahay gelatin-ka.

Xigasho/Kilde: VOA-Somali.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x