Norway oo ergey cusub u magacowday Soomaaliya.

0
218
Ergeyga gaarka ah ee Norway iyo reysulwasaare Rooble Foto: OPM-SOMALIA

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin kahor xafiiskiisa kula kulmay Heidi Elburgi Johansen oo ah ergeyga gaarka ah ee cusub ee dowlada Norway ay u magacowday arrimaha Soomaaliya.

Heidi ayaa badaleyso ergeydii hore ee Vebjørn Heines, kaas oo sadexdii sano ee ugu danbeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Safiiradda Norway ee Kenya Elin B Rognlie ayaa sidoo kale ah Safiirka Norway ee Soomaaliya, hadana Wasaaradda arrimaha Norway ayaa magacowdo ergey gaar ah oo qaabilsan Soomaaliya, kaas oo si toos ah u hoostago wasiirka arrimaha dibadda.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments