NAV oo fududeysay codsiga mushaar-kabista dadka shaqada laga fariisiyay.

0
139

Wixii ka danbeeyay xayiraadii Corona-virus, dowlada Norway ayaa ogolaatay in dadka laga fariisiyay shaqooyinkooda ay taageero dhaqaale oo dheeri ah ay ka codsan karaan hey´adda NAV. Tusaale ahaan in loo kordhiyo lacagta «Dagpengerka» ama lagu taageero kabitaan lacageed oo mushaarkooda ama dagpengerka lagu kabayo.

Si uu qofka taageeradaas dhaqaale u helo, waxaa wixii maanta ka horeeyay waajib aheyd in shaqo-siiyaha(Arbeidsgiver) qofka shaqada laga fariisiyay(Permiterte) uu marka hore NAV usoo diro macluumaadka qofa raba inuu NAV dhaqaalaha taageerada ah ka codsado.

Balse NAV ayaa hada badashay arintaas, wuxuuna qofku toos NAV uga codsan karaa taageerada dhaqaale, iyada oo aan lagu xirin macluumaadka shaqo-siiyaha.

Yngvar Åsholt oo ah madaxa qeybta gurmadka ee hey´adda NAV, ayaa sheegay in arintan ay dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay ay sababtay in dad badan ay ka daahdo lacagihii ay codsadeen, balse ay ugu danbeyn xalkan keeneen, si loo fududeeyo in dadka shaqada laga fariisiyay ay helaan dhaqaale ay ku noolaadaan.

Xigasho/kilde: LETTERE Å SØKE LØNNSKOMPENSASJON FRA NAV

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments