Maxaa kusoo kordhay kiiska wiilkii soomaaligii ee dilka iyo dhaawaca ka geystay Sarsborg.

0
72
Foto: Wikipedia

Nin asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada dalkan Norway, da´diisana lagu sheegay 31 sano jir ayaa habeenkii Talaadada haweenay Norwiiji ah mindi ku dilay magaalada Sarsborg, wuxuuna dhaawacay labo qof oo dumar ah oo soomaali ah. Dhaawaca mid kamid ah labada qof ee dumarka ah ayaa ahaa mid halis ah, halka gabadha kale ee soomaalida ah dhaawaceedu uu ahaa mid fudud.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ninka soomaaliga ah uu labada qof ee dumarka ah ee soomaalida ah uu ku dhex dhaawacay gurigooda, halka haweeneyda Norwiijiga ah ee uu dilay uu kula kulmay goob lagu sugo bussaska(Maxado), iyada oo kujirtay baabuurkeeda, sugeyseyna gabadheeda uu busska kasoo dagi laheyd.

Booliska ayaa isla arbacadiiba xaqiijiyay in ninka soomaaliga ah uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah, uuna ahaa qof horey ay boolisku xaaladiisa ula socdeen, xiriir horena ay la lahaayeen. Waxeyna raaciyeen in ninka dilka geystay in labada qof ee dumarka ah ee soomaalida uu ka dhaxeeyay xiriir aqooneed.

Waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in ninka soomaaliga ah ee dadka laayay, uu horey u geystay gacan qaad, laguna soo oogay kiis maxkadeed. Balse maxkamada Sarsborg ayaa ninkan fasaxday, iyada oo sheegtay in caafimaadkiisa maskaxeed uusan aheyn mid dhameystiran, sidaas darteed aan loo ciqaabi karin danbiga uu geystay.

Ninkan ayaa sida ay warbaahintu qortay sheegay inuu dareemayo in dadka dariskiisa ah ay kaamirooyin aan la arag ay ka daawadaan, uuna dareemayo in mar walba isaga laga hadlayo ama la daba socdo.

Maxkamada magaalada Sarsborg ayaa shaley ogolaatay in afar isbuuc oo kumeel gaar ah la xiro ninkan soomaaliga ah, inta kiiskiisa lasoo baarayo. Waxeyna maxkamadu magacowday labo dhakhtar oo ku xeel-dheer caafimaadka maskaxda ee dadka danbiyada geysta, iyada oo soo baarayo xaaladiisa caafimaad iyo in loo xukumi karo danbiga uu geystay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments