Xildhibaanada ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, asal ahaan Soomaaliyada ah ee Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu billaabay sidii mag-dhaw lagu siin lahaa dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay duqeynta diyaaradaha darones-ka ee Maraykanka ay ka gaysteen gudaha Soomaaliya.
Sida ay ciidamada Mareykanka sheegaan, duqeymaha diyaaradahaas ay fuliyaan waxaa lala eegtaa Al-Shabaab, balse waxaa jiro warar sheegayo in dad shacab ah «ay ku laayeen Soomaaliya».
Ilhaan ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, ay habeenkii oo keli ah ay howlgallada ka fuliyaan Soomaaliya, kuwaas oo mararka qaarkood dhibaato gaarsiiya dad shacab ah oo aan waxbo galabsan.
Waxay sheegtay in ay ka shaqeynayaan sidii arrintaas loo joojin lahaa, iyo in hadda ka dib, goobaha la bartilmaameedsanayo ay noqdaan meel si fiican loo soo hubiyay.
Maamulka madaxweyne Trump wuxuu sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna ciidankiisa adeegsadaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran, waana arrin ay dad yar oo Mareykan ah ogyihiin.
Ilhaan oo ka hadleyso dagaalka afka ah ee Ilhaan kala dhaxeeyo Madaxweyne Trump ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump ay «caado u tahay in marka uu waayo wax fiican oo uu shaqada maamulkiisa ka sheego, uu raadiyo meelo uu dadka u jeediyo,» sida in uu u soo hadal qaado iyada ama Soomaaliya oo uu wax ka sheego.
«Runtii annagu waan ognahay, Soomaaliya waa waddan dhismaya, waa waddan aan rajo fiican ka leenahay in uu meel fiican gaaro, waa waddan niyaddeena iyo qalbigeenaba ku nool. Anigana waxaan joogaa Washington, sharci dejiye ayaan ahay, go’aankeyguna wuxuu yahay in aan ku dadaalo sidii aan qof takooran uga noqon lahayn sharciyada annaga dhaawac noo geysanaaya oo uu isagu wato», ayay tiri Ilhaan.
XIgasho/kilde: BBCSOMALI