Trøndelag: Naag ku eedeysan inay ninkeeda sumeysay oo la xiray.

0
99
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Haweenay 50-meeyo jir ah ayaa xabsiga la dhigay magaalada Trondheim, kadib markii lagu eedeeyay inay sumeysay ninkeeda, maalmo kadib markii isbitaalka la dhigay ninkeeda oo ay dhakhaatiirtu cadeeyaeen inay sun jirkiisa kujirto.

Sida uu qoray wargeyska Adresseavisen ee kasoo baxa magaalada Trondheim, guriga ay ninkan iyo naagtiisa ku noolaayeen ayaa laga helay geed(plante) laga sameeyo sunta loo yaqaan Aconitum(riix), taas oo ah mid halis ah oo loo dhinto.

Xeer ilaalinta ayaa codsaday in haweeneydan la xiro 2 isbuuc oo hordhac ah, inta ay boolisku kiiskeeda soo baarayaan. balse maxkamada magaalada ayaa diiday codsiga xeer ilaalinta, waxeyna xeer ilaalinta racfaan u direen maxkamada gobolka oo mar kale qiimeyn doonto codsigooda.

Waan ku kalsoonahay iyo isagaa is sumeeyay:

Sida uu qoray wargeyska adressavisen, nin la sumeeyay ayaa markii lagu wargaliyay in xaaskiisa lagu tuhmayo inay sun siisay, wuxuu sheegay inay jirin wax dhibaato ama khilaaf qoys ah oo labadooda ka dhaxeysay, xiriirkooduna uu ahaa mid wanaagsan.

Haweeneyda eedeysan ayaa dhankeeda sheegtay inay ka shaki qabto in ninkeedu uu sunta isagu iskiis u qaatay, si uu uga hor istaago inay ka tagto ama iyo si uu iyada ugu soo jiito.

Xigasho/kilde: Kvinne siktet for forgiftning av ektemann

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments