Maxkamada Asker oo 21 sano ku xukuntay ninkii weeraray masaajidka Al-noor ee Bærum.

0
222
Foto: TV-Skjermdump

Maxkamada degmada Asker iyo Bærum, ayaa maanta 21 sano ah oo xabsi adag ah ku xukuntay Philip Manshaus oo ahaa argagaxiyihii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday masaajidka Al noor ee Bærum, 11-kii bishii August ee sanadkii 2019.

Maxkamada ayaa ninkan ku heshay danbigii lagu eedeeyay ee ahaa inuu sameeyay isku day dil oo la xiriira fal argagaxiso, iyo inuu dil bareer ah u geystay gabar uu aabihii korsaday oo 17 sano jir aheyd.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukuntay in xiliga in xiliga ugu horeeya ee ninka loo qiimeyn karo in xabsiga laga sii daayo, ay noqon doonto 14 sano. Sidoo kale waxaa ninkan lagu xukumay inuu bixiyo magdhow gaarayo 710.000 kr oo la siinayo dadkii uu dhibaatada u geystay iyo qaraabadooda.

Philip Manshaus ayaa diiday inuu qirto danbiga lagu soo eedeeyay iyo inuu aqbalo xukunka maxkamada, wuxuuna sheegay inuusanba aqoonsaneyn maxkamada xukunka qaaday.

Xigasho/kilde: Philip Manshaus (22) dømt til 21 års forvaring

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments