torsdag, april 25, 2024

Deg-deg: Tirada corona-virus Oslo oo sadex jibaar kor u kacday.

Sida ay lagu ogaaday tirokoob ay soo saartay laanta caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI, waxaa isbuucii hore xanuunka Covid-19 laga helay 81 qof. Tiradaas oo sadex jibaar ka badan tirada dadkii xanuunka laga helay isbuucii ka horeeyay.

Line Vold oo katirsan FHI ayaa sheegtay in arintan ay tahay mid la filan karay, maadaama kor u kaca iyo hoos u dhaca xanuunku uu yahay mid aan la saadaalin karin. Iyada oo ka gaabsatay inay sheegtay in arintan ay ka turjumeyso inuu soo noqday ama kor u kacay tirada xanuunka.

Isku dar 112 qof ayaa isbuucii tagay laga helay xanuunka Covid-19, taas oo ka dhigan in isbuucii hore 75% dadka xanuunka laga helay ay reer Oslo yihiin.

Xigasho/kilde: 81 nye koronasmittede i Oslo sist uke – tredobling fra uka før

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.