Erna Solberg: Cunsuriyadu Norway iyo wadan walba ayay kajirtaa.

0
71
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa maalmahan eedeyn xoogan kala kulantay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo ururada xuquuqul insaanka, kadib jawaab ay ka bixisay su´aal laga weydiiyay rabshadadaha ka socdo dalka Mareykanka ee ka dhashay dil loo geystay muwaadin madow ah. Iyada oo Solberg ay carabowday in mid kamid sababaha keeni kara isku dhacyada booliska iyo dadka madowga ah, ay tahay, in madowgu ay ku badanyihiin falalka danbiyada ka dhaca USA.

Kadib dhaleeceyn badan oo ay la kulantay, Solberg ayaa maanta bogeeda internetka kusoo qortay maqaal dheer oo ay uga warameyso jawaabta ay bixisay iyo mowduuca guud ee cunsuriyada oo maalmahan aad loo hadalhayo.

Erna ayaa sheegay in cunsuriyadu aysan aheyn wax ku kooban Mareykanka oo kali, balse ay tahay mid kajirto Norway iyo wadan walba oo caalamka ah. Ayma tahay dhibaato bulsho oo u baahan in si wadajir ah loo xaliyo.

Solberg ayaa sii raacisay in bishii Desember ee sanadkii tagay ay dowladeedu meelmarisay qorshe looga hortagayo faquuqa iyo cunsuriyada lagula kaco dadka soo galootiga ah.

Halkan ka akhri maqaalka Erna Solberg: Rasisme finnes i alle land. Også i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments