Trump: Waxaan hayaa cadeyn sheegeyso in Corona-virus Sheybaar shiinaha kuyaal lagu sameeyay.

0
223

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hayo cadeyn muujineyso in xanuunka Covid-19 lagu sameeyay sheybaar kuyaal dalka Shiinaha.

Trump oo arintan dhowr mar si maldahan uga hadlay, ayaa waxaa su´aal weydiiyay wariye, xili uu shir jaraa´id ku qabanayay aqalka cad:

«Ma waxaad aragtay waqtigan wax kalsooni sare ku siinaya in Mac-hadka Wuhan ee arrimaha Virology-ga uu meesha asal ahaan lagu sameeyay fayraskan?»

«Haa, waan hayaa. Haa, waan hayaa,» ayuu yiri madaxweynaha, isagoon wax faafaahin ah bixin.

Trump ayaa sidoo kale eedeeyay hey´addah caafimaadka aduunka ee WHO.

«Waxayna ila tahay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay cayb isu soo jiidday sababtoo ah waxa ay hay’addu u dhaqmaysay sida iyadoo ah wakaalad ka tirsan Shiinaha.»

Goor dambe oo hadana la waydiiyay inuu hadalkiisa kala caddeeyo, ayuu Trump yiri: «Taas kuuma sheegi karo. La iima ogola inaan middaas kuu sheego.»

Waxa uu weriyayaasha u sheegay: «Haddii iyagu [Shiinaha] uu si khaldan u sameeyay, ama si khaldan uu ku sii bilowdayba markaas ayey khalad kale sameeyeen, ama qof ayaa si ku talagal ah wax un u sameeyay?

«Ma garankaro sida sida dadka aanan loogu ogolaan inay tagaan qeybaha kale ee Shiinaha, hasayeeshee loogu ogolaaday inay tagaan qeybaha kale ee dunida. Taasi waa mid xun, taasna waa su’aal adag oo ay tahay inay ka jawaabaan.

Wargeysa New York Times ayaa Khamiistii waxa uu ku warramay in saraakiil sarsare oo ka tirsan Aqalka Cad ay sirdoonka Mareykanka waydiisteen inuu baaro haddii fayraska uu ka yimid shaybaar daraasadaha lagu sameeyo oo ku yaal magaalada Wuhan.

Hay’adaha sirdoonka ayaa sidoo kale waxaa loo diray inay go’aan ka soo gaaraan haddii Shiinaha iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay xilli hore hayeen xog ku saabsan fayraska, saraakiil aanan magacooda la sheegin ayaa Arbacadii sidaasi u sheegay warbaahinta NBC News.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments