lørdag, april 20, 2024

Norway oo mudada ilaalinta xuduudeeda sii kordhisay.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda cadaalada Norway, dowlada Norway ayaa 15 maalmood oo kale oo dheeri ah ku dartay mudada ay xuduudeeda ilaalada xoogan ka heyso.

Waxaa arintan lagu sheegay in looga hortagayo faafitaanka xanuunka Covid-19.

Norway ayaa 15-kii Maarso ee sanadkan soo rogtay amar ah in ilaalo xoogan laga qabto xuduudaha dhulka, badda iyo cirkaba, si loo ilaaliyo dadka wadanka soo galayo iyo waliba kuwa ka baxaya. Isla markaana looga hortago faafitaanka xanuunka corona-virus.

Lama hubo xiliga ay Norway ugu danbeyn furi doonto xuduudaha, balse Waraaq ay wasaarada cadaalada u dirtay EU-da, ayaa lagu sheegay in ilaalinta xuduudaha ay sii socon karto ilaa bisha Mai.

Xigasho/kilde: Kan forlenge grensekontroll

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x