fredag, april 26, 2024

Run miyaa in Norway ay sharci siineyso 1600 qof soomaali ah oo diidmo heystay?

24-tii saacadood ee ugu danbeeyay, waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta soomaalida ee ka shaqeeya dalalka Norway ka baxsan, aad looga hadalhayay warar sheegayo in dowlada Norway ay sharci siineyso ama siisay 1600 qof oo soomaali ah. Warbaahinta soomaalida qaarkood ayaa iyaga oo u muuqdo kuwa aan helin xog rasmi ah oo arintan ku saabsan, waxey qoreen warbixino kala duwan oo ka fog xaqiiqada arintan.

Warkan ayaa ka dhashay wareysi ay idaacada VOA-da ka qaaday xildhibaan hore uga mid noqday golaha deegaanka Oslo iyo gabar sharciga degenaanshaha loo ogolaaday. Qaar kamid ah warbaahinta soomaalida oo wareysiga VOA-da sii xiganayo, ayaa qoray in Norway ay sharci magangalyo siisay 1600 soomaali oo horey diidmo uga heystay codsiyada magangalyada, halka qaarkood ay qorayaan in Norway ay ogolaatay in dalkeeda loo soo qaado 1600 soomaali ah.

Maxaa ka sax ah: Xaqiiqada Arintan:

Kiiska ay warbaahinta soomaalida ku wareersanyihiin, siyaabana kala duwana ay u falanqeeyeen, ayaa la xiriira warbixintii dhawaan kasoo baxday wasaarada cadaalada Norway. Kuna saabsaneyd in degenaanshaha rasmiga ah loo ogolaaday 600 qof oo soomaali ah, kuwaas oo mudo aad u dheer jawaab ka sugayay codsiga degenaanshaha. Halkan ka akhri warbixintii ay NorSom News ka qortay bil kahor.

600 qof ayaa kasoo haray isku dar 1600 qof soomaali ah, kuwaas oo sanadkii 2016 lagu wargaliyay in dib u qiimeyn lagu sameynayo baahidadooda magangalyo. Balse sanado dheer oo ay jawaab sugayaal ahaayeen, waxey bishii lasoo dhaafay intooda badan heleen jawaabta sharciga degenaanshaha.

Sida ay warbaahinta soomaalidu qorayaan, sax ma ahan in dadkaas ay ahaayeen kuwo horey loogu diiday sharciga qoxootiga, balse waxey ahaayeen dad heystay sharciyo magangalyo, wadankana degenaa mudo ka badan 6 sano. Waxeyna u badanyihiin dad wadanka si caadi ah ugu nool oo nolol caadi ah ku heysto(Shaqo, waxbarasho, qoys, iwm).

Waxaa Norway kunool boqolaal qof oo kale oo siyaabo kala duwan ay dhibaatooyin xaga sharciyada ah u heystaan, balse inta la ogyahay kiiska kasoo baxay wasaarada cadaalada Norway, wuxuu khuseeyaa oo kali ah soomaalida jawaabta degenaanshaha laga daahay oo mudada dhowrka sano ah sugayay. Halkan kasii akhri.

Qaabka ay warbaahinta soomaalidu warka ku saabsan soomaalida Norway uga faaloodeen, iyaga oo aan heynin xaqiiqada saxda ah ama aan hubin macluumaadka warka ay qorayaan, ayaa mar kale tusineyso sida war qalad loo qoray uu u keeni karo jahwareer xoogan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x