Afhayeen Frp: Hadii aan dowlada ku jiri laheyn, 600 soomaali ah degenaansho ma heleen.

0
161
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa shaley warbixin ka diyaariyay kiiskii ku saabsanaa in laanta qoxootiga Norway ay ugu danbeyn sharciga degenaanshaha u ogolaatay 600 qof oo qoxooti soomaali ah, kuwaas oo mudo sanado ah sugayay jawaabta degenaanshaha.

Warbaahinta NorSom News oo kiiskan si gaar ah ula socotay afartii sano ee lasoo dhaafay, ayaa warbixintan ay TV2 shaley xaqiijiyeen horey u qortay bilowgii bishan, kadib xiriir aan la sameynay laanta qoxootiga. Halkan ka akhri.

Isbadalkan cusub iyo in dadkan soomaalida ah loo ogolaado sharciga degenaanshaha oo ay mudo badan sugayeen, ayaa soo baxay kadib markii ay xilka wasaaradda cadaalada la wareegtay Monica Mæland oo katirsan xisbiga Høyre. Xoghayaha wasaaradaas auaa TV2 u sheegtay in kiiskan ku saabsan soomaalida sharciga degenaanshaha laga heystay, uu kamid ahaa kiisaskii ugu horeeyay oo ay go´aanka ka gaareen, kadib markii ay xilka wasiirad Monica la wareegtay.

Xogyaha wasaarada cadaalada ayaa sheegtay inay go´aankan gaareen, kadib markii ay fiiriyeen arrimo badan oo ay kamid tahay xiliga kiisaskan jawaabtooda la sugayay, Prosseska ay soo mareen, sharciyada la xiriira iyo arrimo kaleba.

Frp: Arintan ma aysan dhacdeyn, hadii aan xukunka joogi laheyn.

Wasaaradda cadaalada oo ah mudo maamusho hey´addaha ka shaqeeya arrimaha qoxootiga, ayaa waxaa lixdoo sano ee lasoo dhaafay waxaa isaga danbeeyay oo maamulayay lix wasiir oo katirsan xisbiga Frp.

Frp ayaa ahaa xisbigii ka danbeeyay wareegtadii sharciga degenaanshaha looga hakiyay, dib u qiimeynta ku soo rogay soomaalida magangalyada kumeel gaarka ah heysatay xiligaas. Waxeyna xiliga ay wareegtadan soo baxday oo aheyd April 2016, dadka soomaalida ee kiiskooda dib u qiimeynta lagu sameeyay tiro ahaan gaarayeen 1600 qof.

Afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga Frp oo la hadlay TV2, ayaa sheegay in xisbigiisu uu ka xunyahay go´aanka ay gaartay wasaarada cadaalada, isaga oo raaciyay in taas aysan dhicin laheyn, hadii xisbigooda uu dowlada ku jiri lahaa.

Wuxuuna go´aanka wasaaradda cadaalada ku tilmaamay qafiifin lagu sameeyay sharciyadii adkaa ee soo galootiga. Ujeedkana sharciyadaas loo adkeeyayna ay aheyd, in la yareeyo tirada dadka qoxootiga ah ee aan magalyada u baahneyn ee Norway ku sugan.

Xigasho/kilde: Listhaug ville returnere 1600 somaliere i 2016 – men nå har Mæland gitt en ny instruks.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments