NAV oo aan wali mushaar usoo dirin, shaqaalihii shaqada laga fariisiyay.

0
147

Baarlamaanka Norway ayaa bartamaha bishii Maarso meelmariyay xeer ku saabsan in dadka shaqada looga fariisiyay xanibaada Corona-virus dartiis, ay xaq u leeyihiin in NAV ay mushaarkooda oo buuxo bixiso 18-ka maalmood ee ugu horeeyay xiliga shaqo ka fariisinta.

Warbixin ay maanta qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, ayaa lagu sheegay in xafiiska shaqada ee NAV ilaa hada mushaarkoodii 18-ka maalmood ee ugu horeeyay xiliga shaqo ka fariisinta aan siinin dad gaaraya 384.000 qof oo shaqada laga fariisiyay. NAV ayaa wali la tacaaleysa xal u helista arintan iyo culeysyada kale ee kasoo food saaray xanibaada Corona-virus iyo codsiyada kale ee boqolaalka qof ee shaqada laga fariisiyay.

Madaxda NAV oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xunyihiin arintan, iyaga oo raaciyay inay ku rajo qabaan in dadka lacagta ku leh NAV ay lacagahoodii heli doonaan bartamaha bisha JUNI.

NAV ayaa dadka aan heysan siyaabo kale oo lacag kusoo gasho, kula talineyso inay kala doortaan laba arrimood midkood: Inay ceyr codsadaan iyo inay codsadaan lacagta Dagpenger oo hormaris ah(Forskudd).

Xigasho/kilde: Nav betaler ikke permitterte arbeidstakere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments