lørdag, april 20, 2024

Sweden: Qareeno ka gaabiyay shaqadii ay qoxootiga u qaban lahaayeen.

Afar ka mid ah qareenada ay adeegsato wakaalada soo galootiga iyo socdaalka dalka Sweden, ayay hey´adda socdaalku ku eedeysay inaysan kasoo bixin shaqadii loo xilsaaray oo aheyd inay shaqo qareenimo u qabtaan dadka qoxootiga ah ee qareen ahaan loogu qabto.

Wakaalada ayaa qaranadan afarta ah oo kamid ah guud ahaan 13 qareen oo wakaalada Qoxootiga ee Sweden ay adeegsato ku eedeysay inay gabeen masuuliyadii qareenimo ee loo xilsaaray, waxaana hada afartaas qareen laga tuuray liiska sharci yaqaanada ay adeegsato wakaalada socdaalka Sweden.

Qaar kamid ah dadka ay qareenadan dayaceen oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay dareemeen in qareenadaas aysan si dhab ah u qaadan kiisaskooda magangalyo, oo ku saabsanaa mustaqbalka iyo aayaha noloshooda Sweden. Waxeyna qaarkood sheegeen in qareenada ay si ciyaar ciyaar ah oo masuuliyad daro ah u wajihi jireen kiisaskooda, aysana si fiican ugu adeegi jirin dadka qoxootiga.

Xigasho/kilde: SverigesRadio-Sweden

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x