Fredrikstad: Nin nin kale ugu gacan qaaday, maxaad iigu soo dhawaatay.

0
129

Sida ay bartooda Twitterka ku sheegeen booliska, nin 60-meeyo jir ah ayaa loo qaaday isbitaalka, kadib markii uu gacan dhexmaray nin kale oo 40-meeyo jir ah. Ninka isbitaalka loo qaaday, ayaa waxaa la gaarsiiyay nabaro sababi kara dhaawac gacanta iyo lugta ah.

Falkan ayaa ka dhacay dukaan cuntada laga iibsado dhexdiisa, waxeyna labada nin ee isku gacanqaaday ka wada adeeganayeen dukaanka.

Ma cada qofka gacanqaadka bilaabay, laakiin booliska ayaa bartooda Twitterka ku sheegay in labada nin dagaalkoodu uu ka bilowday inay aad ugu soo dhawaadeen iyaga oo ku wada jiro dukaanka. Booliska ayaa sheegay inay wali wadaan baaritaanka arintan.

Dowlada Norway ayaa dadka ku amartay inay kala fogaadaan hal mitir, si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona-virus.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments