Berlin: Kaniisad albaabada u furtay Muslimiinta, si ay ugu ciidaan.

0
83
Foto: Rueters

Kaniisad ku taalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa albaabada u furtay Muslimiinta si ay salaadda ciidda ugu guddaan. Waxay ka dambeysay markii masaajidda ay buux dhaafeen maadama lagu amray dadka inay kala fogaadaan marka ay tukanayaan si loo xakameeyo faafitaanka fayriska Corona.

Sida caadiga ah masaajidka Dar Assalam ee ku yaalla magaalada Berlin waxaa hal mar kuwada tukan kara boqolaal Muslimiin ah, balse dowladda Jarmalka ayaa soo rogtay in dadka ay kala fogaadaan 1.5 mitir taasoo qeyb ah xayiraadaha ay soo rogtay dowladda. 50 qof oo kali a ayaana hadda loo oggol yahay inay hal mar galaan masaajidkaasi.

Sidaa darteed ayay kaniisadda Martha Lutheran albaabada u furtay Muslimiinta si ay ugu tukadaan gudaha kaniisadda.

» Waa tallaabo wanaagsan oo ina faraxad gelisay.,» ayuu yiri imaamka masaajidka Maxamed Taha Sabry. «

Xigasho/kilde: bbc-somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments