torsdag, mars 28, 2024

Sweden: 13-jir ku eedeysan dilka haweenay 50-meeyo jir ah.

Magaalada Gotoberg, Haweenay 50-meeyo jir ah oo bilowgii bishan Mai mindi lagu dhaawacay, ayaa ugu danbeyn isbitaalka ugu geeriyootay dhaawacyadii kasoo gaaray weerarka mindida loo adeegsaday.

Booliska ayaa falkan uga shakisan inuu ka danbeeyay wiil 13 sano jir ah oo hada ah eedeysanaha dilka haweeneydan geeriyootay.

Danbi-baarayaasha booliska ayaa aaminsan in wiilkan ku eedeysan dilka haweeneydan, uu isku dayay inuu marxuumada geeriyootay ka dhaco mobilkeeda gacanta, kahor inta uusan mindida kaga dhufan wadnaha iyo qeybta kore ee xabadka.

Sida ay boolisku sheegeen, Hey´adda xanaanada caruurta ayaa hada la wareegtay xanaanada wiilkan oo hada ku eedeysan fal danbiyeed dil.

Xigasho/kilde: Kvinna död efter knivrån – 13-årig pojke misstänkt

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x