Qoraha maqaalkan: Abdihakim Abdullahi(Aabe Soomaali ah oo Norway kunool).

Bulshada oo dhan waxa ay ka shaqeeyneeysaa in ay la dagaalamaan inuu dhaco fal dambiyeed, in la yareeyo dambiyada dhici lahaa mustaqbalka, in ka hortag la sameeyo. Xananada caruurta marka ay yaryihiin ay aadaan waxaa lagu baraa maxaa sharci ah, maxaase sharci darro ah, maxaa khalad ah maxaase sax ah.  Iskuulka waxaa lagu baraa sharciyada iskuulka, sharciyada jidka, sharciyada bulshada guud ahaan taas oo lagu baraayo, loogana hortagaayo dambi inuu dhaco.

Waalid kaste canugiisa waxa uu u sheegaa sheekooyin cabsi ah, kuwo farxad ah, kuwo khalad dhacay, kuwo geesiyaal looga shekeeynaayo, qisooyin, kuwaas oo gundhig u ah, waxa khalad ah iyo waxa sax ah… waalid kaste waxa uu jecelyahay in canugiisa ahaado midka ugu wanaagsan mustaqbalka.

Waxaa la dhahaa “waalidka, qofka kaliya ee uu jecelyahay inuu ka fiicnaado, ka darajo sareeyo, ka mustqbal wanaagsanaado, ka hormarsanaado waa caruurtiisa”.

1: Saaxiibada

Saaxiibada canugaaga waa in aad taqaanaa, waa in aad taqaanaa waalidkooda, waa in aad taqaanaa goobta ay daganyihiin, waa in aad taqaanaa goobta ay ku kulmaan, waa in aad taqaanaa goobta ay kuwada ciyaaraan, waa in aad taqaanaa buska ay qaataan, waa in aad ka warheysaa dhaq dhaqaaqa canugaaga iyo dadka uu la socdo.

Saaxiibada waa dadka canuggaaga wanaajin kara, ama xumayn karo. Canugaaga oo aad ku ogtahay in uu qof wanaagsan yahay, xariir wanaagsan oo waalid idinka dhaxeeyo wax sir ah aanan kaa qarin, aadna ku aamin qabto, waxaas oo dhan waxaa maalmo yar ku baddali karo saaxiibada canugaaga, haddii aadan ka warqabin saaxiibada canugaaga waxa ay sababi kartaa in canuga ku noolaado laba nolol, (tan guriga) oo ah canugaaga aadka u wanaagsan una akhlaaqada badan iyo (tan saaxiibada) oo ah canuga waxa uu rabo sameeyo.

Hadaba maka waraqabtaa canugaaga saxiibadiisa, iyo waalidaka saaxiibadiisa, xariir fiican ma idin ka dhaxeeyaa, jadwal ma leeyahay canugaaga, markaasi waxaa fududaanayo in ay yaaraato fursadda in canugga noqdo dambiile.

2: Guuritaanka badan

Canug kaste goobta uu daganyahay waxa uu leeyahay xariiro, ha ahaado iskuulkiisa oo uu jecleyahay, macalimiintiisa, ardayda, saaxiibadiisa, kuwa uu kubadda la ciyaaro ama la ciyaarto, waxaas oo dhan waxa ay u tahay in canugga uu haysto nolol dagan. Noloshaasi daggan marka uu ka baxo oo uu bilaabo iskuul cusub, arday cusub, saaxiibo cusub, ma ogid waxa aad kala kulmi karto, waa ay wanaagsanaan kartaa oo isbaddal kii hore ka fiican ayaa dhalan karo, waa ay xumaan kartaa oo waxaa imaan karo in iskuulkaan cusub iyo deegaankaan cusub ay abuurto dhibaato mustqbal ee canugaaga, marka inta uu qofka guurin waa in wada tashi uu la smeeyaan canuggiisa, wada tashigaasna uu qaataa wakhti badan iyo ka fikir badan inta uu goáan waalidka kaligiisa iska gaarin, boorsadaada soo xiro, xaafad kale ayaan u guuraynaa, waxa ay kallifi karaa in canug mustaqbal wanaangsan lahaa uu mustaqbalkiisa lumo.

3. Dooqa waxbarashada

Waa ay wanaagsantahay in canugaaga la dhiiro galiyo, lagu dhiiro galiyo waxbarasho heer sare ah, sida uu dhakhtar, injineer, amaba shaqooyinka aadka loo sharfo ee ku dhiiro galiso, balse rajada wayn ee canugaaga aad ka qabto ma ahan in ay noqoto mid aad ku riixdo, ku cadaadiso, ka hadasho maalin kaste, saacad kaste iyo xilliga uu cashirrada ka shaqaynaayo. Mar kaste oo cariiri la galiyo, lagu qayliyo, lagu canaanto iskuulka iyo cashirrada waxa ay sababaysaa ama abuuraysaa nacayb, taas oo sababi karto inuu ku fikiro side oga baxdaa rajada waalidkaaga kaa leeyahay iyo cariiriga lagugu haayo.

Waxan arkay dhalinyaro badan oo bilaabay dugisga sare, waxa ay bilaabayaan qaybta xirfadda, marka ay 2 sano dhigtaan inta ay ka aadi lahaayeen (lærling), waxa ay doortaan hadana (studiekompetanse), waxa ay ku qaadataa sanad ama 2 sano oo kale, waxaa macquul ah in uu kasoo bixi waayo, waxa aa ku adkaanayso in uu hadana 2 sano kadib (lærling helo), waxaa abuurmaayo niyo jab, marka dadkii ay isla bilaabeen dugsiga sare ayba shaqeeynaayaan, canugaana 5 sano ama 6 sano uu dhax wareegto dugsi sare.

Bulshada Soomaaliyeed ee wax bartay iyo waalidka caruurta

Tore Bjørgo buugiisa Forebyggin av kriminalitet waxa uu leeyahay waxa ugu muhiimsan ee kahortagga dambiyada waa in laga hortagaa in qof cusub uu ku soo biiro saaxada dambiyeed, marka uu qof galo ficil dambi marka koobaad micnaheeda ma ahan in qofkaasi uu bilaabay xirfad dambiyeed, marka sidee ayaan oga hortagi karnaa in caruurteena Somaliyeed ay noqdaan dambiilayaal?

Taasi jawaabteeda dhamaan waxa ay u taalaa bulshada Somaliyeed, gaar ahaan kuwo dagan magaalooyinka waawayn in ay abuuraan habab ay oga hortagi karaan in caruur cusub noqdaan dambiilayaal, waa in laga fikiraa, laga wada tashtaa habkii.

Waxaan soo jeedin lahaa waalidka ay caruurtooda iskuul wada dhigtaan ee Somali ah in ay isu yimaadaan, wada fadhiistaan, wada tashadaan ayaga oo ka fikiraynin canugayga waa wanaagsanyahay iyo waa xunyahay, iyo waalid hebel lama fadhiisanaayo iyo waalid hebel isama fahmayno, una soo jeestaan danta guud ee ah caruurteena waxa ay isla bilaabeen 1. Klasse waxa ayna wada dhigan doonaa ilaa 10.klasse, 10 sano ayay meel wax ku wada baran doonaan, sidaa daraadeed waa in ay isu yimaadaan, kawada tashtaan mustqbalka 10 kaas sano, sameeystaan  (koonto) dhaqaale oo wada jir ah, taas oo ay wada isticmaalaan xilliyada fasaxa, abuuraan saaxad saaxiibtinnimo ee dhax marto caruurta laga bilaabo da´da lix jirka ilaa 16 jir ay ka gaaraayaan.

Mar kaste oo xariirka waalidka ee caruurta iskuul wada dhigto uu wanaagsanaado, mar kaste oo caruurtaasi ay saaxiibo wadaag ahaadaan, mar kaste oo aad aqoon u yeelato saaxiibada caruurtaadsa iyo waaalidkiisa, waxaa sahlanaanayo ka warqabka cauggaaga iyo is aaminaad, kalsooni dhax abuuranto cauurta iyo waalidka.

Busladaha Somaliyeed ee wax baratay waa in ay la yimaadaan ficil, waxqabad, waxtar, la shaqeeyaan waalidka caruurta dhibaatada ka haysato, la shaqeeyaan booliska ayaga oo kala tashanaayo dowrka iyo waxa ay ka gaysan karaan in la yareeyo caruurta cusub ee kusoo biirayso xirfadda dambiga, iyo sida looga saari karo kuwa hadda ku jiro. Waxaa macquul ah canuga taagan goobaha lagu gado daroogada ama xashiishka kaliya inuu u baahanyahay qof sharfo, ku casuumo qado, la sheekeyso, u naseexeeyo, kula heshiiyo in isbuucii hal saac oo wada sheekeysi ah dhax maro, taas oo sahlayso in la ogaado waxa ku kalifay canugaas ficilka uu sameeynaayo, iyo sida uu oga bixi karo xaaladda uu markaasi ku jiro.

FICIL…. WAXQABAD… Waxaa na mideeyo Somalinimo, waxaa na mideeyo DIINTA islaamka, Waxaa na mideeyo in aan ku wada noolnanay dalka Norway, Waxaa na mideeyo in aan ka wada damqanayno canug kaste oo Somali ah ee aan ku socon ama haynin jid sax ah oo mustaqbal wanaagsan, waxaa na mideeyo in ay jiraan dad neceb magac Somali…. Hadaba aan kaliya ka fikirno waxa na mideeyo, aana iska ilowno wax kaste oo nakala qaybiyo… caruurteena darteed

Mahadsanidiin.

Halkan ka akhri qeybta koowaad ee maqaalkan: Maxaa sababa danbiyada ay galaan dhalinyarada soomaalida ee da´doodu u dhaxeyso 10-17 sano?

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments