onsdag, april 24, 2024

Daawo: Culimada Norway, maxey ka dhaheen ciida muslimiinta Norway.

Dowlada Soomaaliya ayaa shaley ku dhawaaqday in sabtida ay tahay maalinta ciid ah ee sanadkan, maadaama bisha Shawaal laga arkay qeybo Soomaaliya kamid ah. Sidoo kale culimada waaweyn ee soomaalida ee dalka Kenya ayaa iyagana barahooda bulshada ay kula xiriiraan sheegay in maalinta beri ah ee sabtida ay tahay ciid.

Norway: Ciidu waa axadda.

Culimada waaweyn ee muslimiinta Norway iyo dalada ururada muslimiinta ah ee Norway, ayaa sheegay in la isku waafaqay in maalinta ciida ah ee sanadkan ay noqon doonto 24-ka bisha Mai, oo ku aadan maalinta axadda ah. Iyaga oo raacayo heshiiska ururada muslimiinta ee Yurub, kaas oo ku aadan in hal maalin la wada ciido, hal maalina la wada soomo.

Culimada soomaalida ee waaweyn, gaar ahaan Sh Cali Maxamed Saalax oo ah imaamka masaajidka Towfiiq iyo Dr. Maxamed Shaadibi oo ah imaamka masaajidka Drammen, ayaa muuqaalo ay soo dhigeen baraha bulshada iyo goloyaasha ay ku kulmaan muslimiinta Norway ku cadeeyay in ciida Norway ay noqon doonto 24-ka bisha Mai oo ah maalinta Axadda ah, berri oo sabti ahna ay tahay 30-ka bisha Soon.

Halkan ka daawo muuqaalka Sh Shaadibi

Halkan ka daawo muuqaalka Dr. Cali Maxamed SAALAX

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x