Dowlada: Si aad u hesho lacagta xanaanada, waa inaad heysataa warqada cadeynta dhakhtarka.

0
94
Torbjørn Røe Isaksen (H): Wasiirka waxbarashada Norway

Dowlada Norway ayaa go´aamisay in 20-ka bishan April la furo xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage), Halka iskuulada caruurta( Fasalada 1.aad ilaa 4.aad) la furi doono 27-ka bishan April.

Balse ilmaha qaarkood ayaa loo ogolyahay inay joogi karaan guryahooda, hadii ay jirto sababo caafimaad oo qasbi karto, lana xiriirta xanuunka covid-19. Tusaale ahaan ilmaha qabo xanuunada joogtada ah, una nugul qaadista xanuunka ayaa loo ogolyahay inay gurigooda joogaan.

Waalidiinta ilmaha loo ogolaaday inay guriga joogaan, ayaa xaq u leh inay helaan lacagta xanaanada ee la siiyo waalidka ilmaha iskuulada laga reebay ee guri joogta ah.

Balse dowlada ayaa maanta sheegtay in waalidkaas ay ku qasbanaan doonaan inay dhakhtar ka keenaan waraaq cadeyneyso xanuunka ilmaha ee qasbayo inuu guriga joogo, intii uu iskuulka ama xarumaha xanaanada aadi lahaa.

Wasiirka shaqaalaha iyo arrimaha bulshada, Torbjørn Røe Isaksen  ayaa maanta sheegay in ujeedka dowlada ee arintaas in qofka go´aanka ka gaarayo in ilmaha uu iskuulka ama xanaanada ka haro uu noqdo dhakhtar, intii ay waalidku iskood go´aan u gaari lahaayeen.

Xigasho/kilde: Krever legeerklæring for omsorgspenger

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments