onsdag, april 24, 2024

Wasiir: Adeega xuduudka Sweden, waxaad ku waayi kartaa lacagta xanuunka (Sykepenger).

Dowlada Norway ayaa bil kahor soo rogtay in qofka kasta oo Norway kasoo gala wadanka dibadiisa uu gali doono karantiil 14 maalin ah, si loo hubiyo inuusan qabin xanuunka COVID-19 ee ka dhasha corona-virus. Waxeyna dowladu dadka uga digtay inaysan dalka dibadiisa u bixin, maadaama ay 14 maalin oo karantiil ah, ay gali doonaan marka ay soo noqdaan.

Saas oo ay tahay, hadana boqolaal dadweyne ah ayaa isbuucyadii tagay baalmaray ama aan dhageysan amarada dowlada, waxeyna kasoo adeegteen xuduudka Sweden intii lagu jiray fasaxa (Påskeferien). Markii ay adeega xuduudka kasoo noqdeena, waxey galeen 14 maalmood oo karantiil ah, iyaga oo xaq u leh inay qaataan lacagta xanuunka(Sykepenger).

Dowlada ayaa sharci ay maanta meelmarisay ku sheegtay in qofkii aan dhageysan talada dowlada ee la xiriirta ineysan dadku wadanka dibadiisa u bixin, isla markaana kasoo adeegta xuduudka Sweden, aysan heli doonin lacagta xanuunka ee «Sykepengerka»

Go´aankan ayaa ka dhashay caro iyo muran badan oo ka dhashay markii la ogaaday in dad Norwiiji ah oo gaaraya 2000 qof la galiyay karantiil 14 maalmood ah, kadib markii ay kasoo adeegteen xuduudka Sweden fasixii «påskaha», iyaga oo ogaa in dowladu ay arintaas horey uga digtay.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in qof walba ay tahay inay ka qeybqaato dadaalka loogu jiro xakameynta xanuunka COVID-19. Qofkii si kas ah u gees mara talada dowladana, uusan guriga joogi doonin, isaga oo dowlada ka filayo inay bixiso lacagta guri joogiisa ah, marka karantiilka la galiyo kadib.

Xigasho/kilde: Ny forskrift: Nå mister du sykepenger ved svenskehandel

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x