Booliska oo sheegay magaca gabadha meydkeeda laga helay banaanka.

0
173
Foto: PRIVAT/POLITIET Tirhas Tekle Kiflay: Gabadha la dilay.

Booliska magaalada Trondheim ayaa ugu danbeyn sheegay magaca haweenay 33 sano jir oo talaadadii isbuucan meydkeeda laga helay meel banaan ah oo kutaal duleedka magaalada Trondheim. Waxeyna boolisku xabsiga dhigeen, dilka haweenyedana ku tuhmayaan inuu ka danbeeyay ninkeeda oo hada xiran .

Magaca haweeneyda dhimatay oo aheyd hooyo heysata afar caruur ah, ayay boolisku ku sheegeen Tirhas Tekle Kiflay. Waxeyna dalkan Norway qoxooti ahaan kusoo gashay sanadkii 2011, iyada oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Ereteriya.

Danbi-baarayaasha booliska ayaa baaritaano ay sameeyeen kadib, rumeysan in xiligii ugu danbeeyay ee hooyadan ay nooleyd uu ahaa 28-kii bishii tagtay ee Maarso. Ninkeeda ayaa 31-dii bishii Maarso xiriir lasoo sameeyay booliska, wuxuuna sheegay in xaaskiisu aysan guriga kusoo noqon.

Booliska ayaa wali wada baaritaanka kiiskan, waxeyna aaminsanyihiin i haweeneyda lagu dilay gurigeeda oo aan wax badan ka fogeyn meesha meydkeeda laga helay.

Xigasho/kilde: Ektemannen siktet for drap på Tirhas (33): Politiet vil ha biltips

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments