Abdul Ahmed: Qoraaga maqaalkan.

Kuwa aan xasuusan wixii soo maray oo aan wax ku qaadan waxaa lagu ciqaabaa inay ku celiyaan.

 Xigamada kor ku xusan waxay muujinaysaa in qofkii ama dadkii taariikhda soo marta wanaag iyo sammaanba, noloshooda ayna waxba ka bedelin, ay ku celceliyaan dhibaatooyin hore u soo maray.

Waxaa hubaal ah in aan ummad ahaan soo marnay dhibaatooyin aan innagu isu gaysanay iyo kuwo dad kale noo geysyteen. Haddana waxaa naga muuqata bisayl la,aan xagga nolosha ah. Waxaan noqonay dad ayna haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan dhibaatooyinku. Waxaa suuragal ah in muddo kooban laga hadlo ama si caadifadaysan looga hadlo, kadibna meeshii laga sii miiso, sidii iyada oo aan dhibba na gaarin. Dhibaatooyinkaas waa kuwa innagu haysta dhulkii hooyo iyo kuwo qurbaha aan kala kulanno.

Waraqan furan waxaan jeclahay inaan codsi ugu soo gudbiyo Soomaalida reer Norway. Codsigaasi waa in aan wax ku qaadanno duriifaha iyo dhibaatooyinka ina soo mara.

Sida aan  ka war-qabno, waxaa lagu jiraa wakhti adag oo adduunka oo dhan uu saameeyey cudurka uu keeno korona feyrus ee loo yaqaan COVID-19. Waxaan aad uga qaylinay kadib markii hayádda faya-dhawrka waddanka ee loo soo gaabiyo FHI ay soo bandhigtay tira-koobka dadka ajaanibta ah ee aan waddanka ku dhalan ee uu cudurku haleeley in ay soomaalidu u badan tahay. Arrintaas siyaabo kala duwan ayaa looga fal-celiyey. Qaar dhibsaday in la sheego isirka dadka uu ku dhacay, oo aan anigu ku jiro.  Iyo qaar u riyaaqay oo u arkay inay tahay arrin wax ka bedeli doonta qaab nololeedkeena. Si kastaba ha ahaatee waxay ahayd dhirbaaxo kale oo ku dhacady qowmiyada soomaaliyeed oo sii kordhisay dhirbaaxooyinkii hore uga iman jiray saxaafada iyo xukuumadihii kala dambeeyey ee waddanka soo maray.

Waxaa la yiraahdaa ´´Waxaan ku dilinba xoog baad ka qaadaa´´.

Waxaan filayaa in la joogo xilligii qof walba dib u joogsan lahaa oo uu is weydiin lahaa. Maxaan kaga bixi karnaa dhibaatooyinka na raggaadiyey ka qowmiyad ahaan? Waxaan filayaa canaanta waxaa loo kala qaadanayaa sida loo kala weyn yahay. Reer Oslo oo curadkii reerka ah waxay gabeen booskii curadka. Waxay ku mashquuleen reero iyo ururo reeraysan. Taas waxaa caddayn u ah halka ay mareen doorashadii golaha deegaanka ee ugu dambaysay. Iyada oo tirada codka bixisayu la sheegay inay ahaayeen kumanaan, ayey haddana soo saari waayeen hal murashax inuu soo galo golaha deegaanka Oslo. Waxaa kale oo iyaduna tusaale xun ah masaajidkii ugu weynaa waddanka ee Tawfiiq iyo halka ay geeyeen. Waa dhirbaaxooyin nagu wada dhacday, waxaana rajaynayaa in wax lagu qaadan doono mustaqbalka. Magaalooyinka kale laftoodu kama roonaan oo waxay raaceen saanqaadkii reer Oslo. In kasta dadka qaar ku doodaan in lays dhaamo.

Maxaa inala gudboon?

Talooyin:

Haddii aan ku guuldaraysanay inaan sammayno urur weyn oo jaaliyad walba magaaladeeda si wada jir ah uga shaqeeya. Waa in aan yagleelnaa

  • Ururo waxqabta, mid walbana hawl cayiman ummada uga soo dhalaalo.
  • Guddi guud oo waddanka oo dhan ah oo aan magaalo kaliya ku koobnayn oo gabdho u badan.
  • Dadka wax qora ay badiyaan qoraalada wacyi gelinta ee afka noorweejiga iyo soomaaligaba.
  • In laysku ixtiraamo kala duwanaansha afkaarta iyo fahanka. Lana fahmo inaan hal doon wada saaranahay.

Gunaanadkii

Waxaan aaminsanahay in raggu gabay booskoodii, oo ay ku mashquuleen arrimo aan waxtar badan u lahayn ummada. Waxaa la joogaa wakhtigii la bil-kaydi lahaa dumarka. Dhulkan aan ku nool nahay hadda iyagaa innaga firfircoon oo u badan goobaha waxbarashada, oo in badan innaga fahansan sida nidaamku u shaqeeyo. Booska ay bulshada gudaha iyo dibadaba ku leeyihiina waa mid aan la buuxin karin.

Shalay maanta maaha, doraadna shalay maaha. Ballanteenu waa is bedel dhab ah iyo in aan uabadkeena dhaxal wanaagsan uga tagno.

Barbarkay ka baxdaa waa bakayle-qaleen.

Abdul Ahmed

Bergen 10.04.2020

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments