10-ka kuliyadood ee loogu codsi badnaa sanadkan jaamacadaha Norway.

0
103
Image by © Royalty-Free/Corbis

Waaxda qabashada iyo ka shaqeynta codsiyada jaamacadaha iyo machadyada sare(Samordna), ayaa sheegtay in sanadkan ay dadkii ugu badnaa abid codsadeen waxbarasho jaamacadeed. Waxaana Norway sanadkan codsaday inay sboosas waxbarasho ka helaan jaamacadaha Norway, dad gaaraya 150.000 qof.

Intii lagu gudo jiray xaalada xanibaada Corona-virus, dowlada ayaa ogolaatay in dadka laga fariisiyay shaqooyinka ay codsan karaan waxbarasho jaamacadeed, iyaga oo wali kaalmo dhaqaale ka heli karo hey´adda NAV.

Tirokoobka ay soo saartay hey´adda Samordna, waxaa lagu sheegay in 10-kan kuliyadood ay yihiin kuwo ay codsadeen dadka ugu badan sanadkan.

* Siviløkonomutdanningen(Kuliyada Hogaaminta shirkadaha waaweyn ee ganacsiga) – Norges Handelshøyskole(Iskuulka ganacsiga Norway) – 2 112 qof ayaa codsaday.

* Rettsvitenskap(Sharciga iyo qaanuunka) – Universitetet i Bergen(Jaamacada Bergen – 1 968 qof ayaa codsatay.

* Rettsvitenskap(Sharciga iyo qaanuunka)- Universitetet i Oslo(Jaamacada Oslo) – 1 888 qof ayaa codsaday.

* Sykepleie(Kalkaaliso caafimaad), – Oslo Met – storbyuniversitetet(Machadka sare ee Oslo) – 1 365 qof ayaa codsaday

* Medisin(Dhakhtarnimo) – Universtitetet i Oslo(Jaamacada Oslo) – 1 236 qof ayaa codsaday.

* Sykepleie(Kalkaaliso caafimaad), NTNU-Jaamacada Trondheim – 1 140 qof ayaa codsaday.

* Arkitekt – Arkitekt- og designhøgskolen i Oslo – 1 133 søkere

* Psykologi, (DHakhtarka cilminafsiga) – Jaamacada Tromsø 1 129 qof ayaa codsaday.

* Sykepleie(Kalkaaliso caafimaad), Jaamacada Bergen – 1 121 qof ayaa codsaday.

* Kriminologi(Cilmiga danbiyada iyo danbibaarisya) – Jaamacada Oslo – 1 120 qof ayaa codsaday.

Xigasho/kilde: Rekordmange søkere til høyere utdannelse: Her er årets mest populære studier.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments