Aftenposten: Tirada Soomaalida uu xanuunka COVID-19 ku dhacay oo aad hoos ugu dhacday.

0
97
Gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta Norway: Cabdiraxmaan Diiriye.

Warbaahinta Norway ayaa maalmihii lasoo dhaafay qorayay warar ku saabsan in tirada dadka ajaaniibta ah ee qaaday xanuunka covid-19, ay hoos aad ugu dhacday sadexdii isbuuc ee ugu danbeeyay.

Soomaalida ayaa sida laga arki karo tirokoob ay soo saartay laanta caafimaadka dadweynaha(FHI), ah guruubka labaad ee ugu badan xanuunka COVID-19, marka laga soo tago dadka cadaanka Norwiijiga ah. 425 oo Soomaaliya ku dhashay ayaa xanuunka Covid-19 laga helay 6-tii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Balse tirooyinkii soo baxay isbuucan, ayaa muujinayo inay si weyn hoos ugu dhacay tirada soomaalida uu ku dhacay xanuunka COVID-19.

Gudoomiyaha ururka Golaha Islaamka Norway(IRN), Cabdiraxmaan Diiriye ayaa Aftenposten u sheegay inay muuqato natiijada shaqo aad u fiican oo ay qabteen ururada soomaalida ah iyo shaqsiyaadka bulshada ka dhex muuqdo, taas oo la xiriirta wacyigalinta xanuunka Corona-virus.

Aftenposten ayaa sidoo kale qoray in wargeyskan NorSom News oo ah isha wararka ugu weyn ee soomaalida Norway uu sidoo kale qeyb ka ahaa wacyigalinta xanuunka Corona-virus ee hada dhalisay inay hoos u dhacdo tirada dadka soomaalida ah ee xanuunka qaaday.

Xigasho/kilde: Først gikk smitten blant innvandrere rett til værs. Nå har den stoppet opp.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments