Italy: 800 qof oo hal maalin u geeriyootay: Tirada guud oo 5000 ku dhow.

0
103

Dhimashada uu cudurka Coronavirus sababay ee dalka Talyaaniga ayey hal maalin gudaheed ku darsantay 793, waxayna tirada guud ee dalka Talyaaniga cudurkan u geeriyootay ay hada kor u dhaafeysaa 4825 qof.

Ilaa hadda waxaa Talyaaniga laga xaqiijiyay isku darka 54,200 qof oo uu cudurkan ku dhacay, halka in ka badan 5,000 oo qof ay ka caafimaadeen.

Lombardy, oo ah gobolka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Caabuqan ayaa laga soo tabiyay 546 dhimasho oo hal maalin gudaheed ah.

Talyaaniga ayaa hada ah wadanka ay dadka ugu badan u dhinteen cudurka Corona-virus, waxeyna booskaas kala wareegtay dalka Shiinaha oo cudurka markiisii hore uu kasoo bilowday.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in isku darka tirada guud ee uu ku dhacay caalamka oo dhan ay kor u dhaaftay 200,000.

Xigasho/kilde: Nesten 800 døde på et døgn i Italia.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments