FHI: Ilaa hada tiradan ayaa Norway laga helay hargabka Corona-Virus.

0
152
Foto: FHI

Waaxda qaabilsan ilaalinta caafimaadka dadweynaha(FHI) ayaa saacad kahor soo saartay tiradii ugu danbeysay ee dadka Norway gudaheed laga helay viruska hargabka Corona.

 169 qof ayay FHI sheegtay in laga helay viruska, waxaana tirada maanta kusoo korortay 22 qof.

Ugu yaraan 109 qof oo dadka hargabka laga helay kamid ah ayaa hargabka kasoo qaaday dalalka Talyaaniga iyo Austria oo ay safar ku tageen. Halka dadka kale intooda badan ay yihiin qaraabada dadka safarka ku tagay Talyaaniga iyo Austria.

Hey´adda ayaa dhamaan dadka isaga shakisan inay hargabka qaadi karaan ugu baaqeyso inay lasoo xiriiraan hey´addaha caafimaadka si loo baaro, loogana hortago faafista cudurkaas.

Warbaahinta Norway ayaa isbuucii tagay si daqiiqad ah uga hadleyso dad laga helay hargabka, iyo siyaabaha kala duwan oo ay ku qaadeen.

Goboladan ayay kunoolyihiin dadka hargabka laga helay:

Xigasho/kilde: FHI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments