Dalka Sweden waxaa soo baxeyso inay sii kordheyso tirada dadka soomaalida ah ee u dhimaneyso xanuunka Corona-virus, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. Waxaana dadka xanuunkan u geeriyooday kamid ah aqoonyahano caan ah iyo odoyaal bulshada soomaalida magac ku dhex lahaa.
Inta la xaqiijiyay ilaa 6 qof oo soomaali ah ayaa xanuunkan u dhimatay, inkasta oo warbaahinta soomaalida qaarkeed ay qoreyso in tiradu ay gaari karto ilaa 13 qof. Iyada oo guud ahaan dalkaas ay xanuunkan u dhinteen 35 qof, gudaha dalka Sweden.
NB: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix(Subcribe/Abonner).