Qof Norwiiji ah oo laga helay viruska corona.

0
82
Foto: CNN

Hey’ adda caafimaadka dadweynaha ee (Folkehelseinstituttet) ayaa maanta sheegtay in ardey Norwiiji ah oo kunool dalka Talyaaniga laga helay viruska hargabka halista ah ee Corona.

Warbaahinta lokalka ah ee magaalada Firenza ee dalka Talyaaniga, ayaa sidoo kale qortay in ardeygan Norwiijiga lagu xareeyay isbitaal kuyaal magaalada, halkaas oo lagu baarayo, xaaladiisana lagula socdo.

Ardeygan Norwiijiga ah ayaa maalmo kahor ku sugnaa dalkan Norway, waxaana la cadeeyay inuu saaxiib dhow la ahaa nin 63-sano jir ah oo horey cudurka looga helay.

Dalka Talyaaniga ayaa ah dalka uu cudurka saameynta ugu badan ku yeeshay qaarada Yurub, waxaana ilaa hada cudurkan gudaha Talyaaniga ugu geeriyootay 12 qof. Sidoo kalena, waxaa cudurkan laga helay 374 qof.

Xigasho/kilde: FHI: Nordmann i Italia testet positivt for coronavirus

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments