Nin 30-meeyo jir Norwiiji ah oo lahaa shirkad barnevernka la shaqeysa, ayaa ku eedeysan inuu xadgudub galmo ah uu kula kacay wiil uu korsanayay oo gurigiisa kunoolaa. Iyo inuu isku dayay in wiilka uu waalidka-korinta(Fosterfar) u ahaa uu siiyo 100.000 kr, si uu falkaas u qariyo.

Ninkan ayaa lahaa shirkad barnevernka ka iibisa adeegyada la xiriira guryaha lagu hayo caruurta ay hey´adaas kasoo wareejiso guriga waalidkood. Wuxuuna malaayiin kr ka shaqeystay shaqooyinka uu ay shirkadiisu u qaban jirtay hey´adda barnevernka.

Sida ay sheegtay xeer ilaalintu, ninkan ayaa xadgudub galmo ah kula kacay dhibanaha oo gurigiisa ku noolaa, xili ay da´diisy u dhaxeysay 16 ilaa 19 sano.

Ninkan ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu isku dayay inuu lacag 100.000 kr gaareyso uu siiyo wiilka iyo qof kamid ah qoyskiisa, si ay u badalaan sharaxaada la xiriirta xadgudubka, si aan danbiga loogu eedeyn.

Ninkan ayaa iska fogeeyay danbiga lagu soo eedeeyay, waxeyna dhageysiga dacwada maxkamadiisu Oslo ka bilaaban doontaa isbuuca danbe.

Xigasho/kilde: Barnevernsgründer tiltalt for seksuelt misbruk av sitt eget fosterbarn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments