Keshvari: Frp waan isaga baxay.

0
231
Foto: Stillebilde/Youtube

Waxaa maanta maxkamada Oslo ka bilaabayay maxkamadeynta Mezyar Keshvari oo xili ahaan jiray afhayeenka xisbiga Frp ee arrimaha soo galootiga, kana mid ahaa dadka ugu hadalka qalafsan.

Keshvari oo ku eedeysan khiyaano dhaqaale, ayaa saaka sheegay inuu isaga baxay xisbiga Frp. Wuxuuna sheegay in qaladka uu shaqsi ahaan u galay, aysan wax saameyn ah ku laheyn howlihiisa siyaasadeed ee xisbiga dhexdiisa.

Keshvari oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, ayaa sheegay inuu kujiro xili adag oo noloshiisa kamid ah, uuna ka shaleynayo waxyaabo badan oo sameeyay.

Maxkamada ayaa hadii ay Keshvari ku hesho danbiga, wuxuu mudan karaa 18 bilood oo xabsi ah.

Keshvari melder seg ut av Frp

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments