Marka qofka soomaaliga ah uu maqlo olole doorasho oo lacag ku bixinayo, waxaa laga yaabaa inay maskaxdiisu kusoo dhacdo lacagaha laaluushka ah ee xildhibaanada iyo musharaxiinta Soomaaliya ay bixiyaan, si ay kursiga ugu soo baxaan. Ama dowladu shisheeyee oo maalgashi lacageed ku sameysta siyaasi markaas dantooda ay ka dhex arkaan.
Balse lacagaha lagu bixiyo ololaha doorashooyinka, ma ahan wax ku eg Soomaaliya ama wadamada soo korayo oo kali ah.
Wadamada galbeedka waxaa caado ah in shaqsiyaadka lacagta leh iyo shirkaduhu ay lacago ugu deeqaan siyaasiyiinta iyo xisbiyada ay taageersanyihiin, si ay ololaha doorashada ugu soo baxaan. Iyaga oo rajeynayo inay soo rogaan shuruuc ganacsigooda ay ku difaacdaan, sida in canshuurta shirkadaha laga dhimo oo kale. Ama ay u fuliyaan ajando siyaasadeed oo markaas iyaga u qarsan oo u gaar ah.
Høyre: 11,3 milyan ayaa sanadkan oo kali ah la siiyay.
Norway waxaa maalmo kooban ay inaga xigaan doorashada goloyaasha deegaanka, waxaana xisbiyadu ay dagaal dag ugu tjiraan ku guuleysiga kuraasta magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yaryarba.
Sida uu qoray wargeyska dhaqaalaha ka warama ee Dagens Næringsliv, xisbiga Høyre ayaa 11,3 milyan oo kr ka helay ganacsato caan ah iyo shirkadahooda. Høyre ayaana ah xisbiga lacagta ugu badan sanadkan u helay ka shaqeynta ololaha doorashada.
Ganacsatada Høyre lacagta ugu deeqay ayaa dabcan leh u jeedooyinka siyaasadeed oo ganacsigooda faa´iido u leh, waxaana kamid ah oo ugu waaweyn in la joojiyo canshuurta laga qaado hantida keydka ah ee tujaarta waaweyn, iyo in la dhimo canshuurta faa´iidada sanadka ee shirkadaha.
Ganacstada Høyre lacagaha ugu deeqay, ayaa waxaa kamid ah Christen Sveaas iyo Stein Erik Hagen oo labudaba kamid ah dadka ugu lacagta badan Norway.
Xisbiga shaqaalaha ayaa dhankiisa lacago malaayiin kr oo maalgalin ah ka helay ururada xiriirka shaqaalaha sida LO iyo Fagforbundet.