fredag, april 19, 2024

Kenya oo dalbatay in dhageysiga kiiska Bada laga saaro madaxweynaha ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf.

Isha warka: Caasimada online

Dowladda Kenya ayaa war cusub ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo ay exilian dacwaddiisu hortaallo maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ.

Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga kiiska Badda labada dal laga saaro garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha ICJ, sidoo kalena ah Soomaali.

David Matsanga oo ah guddoomiyaha hay’ad la magac baxday PAF, islamarkaana sheegata inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in dhageysiga kiiska Badda laga reebo garsoore Cabdi Qawi.

Hay’addan oo ay hoggaamiyaan koox Kenyaan ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha maxkamadda ICJ uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiskan, islamarkaana niyaddiisu ay la jirto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigtay.

Hay’addan oo ay hoggaamiyaan koox Kenyaan ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha maxkamadda ICJ uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiskan, islamarkaana niyaddiisu ay la jirto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay hay’addu ku eedeysay Cabdi Qawi in marar badan uu fagaare ka sheegay sida uu jecelyahay oo ah in Soomaaliya ay guuleysato..

Ugu dambeyn David Matsanga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan, islamarkaana ay banaanka ka joogto.

9-ka illaa 13-ka bishan September ayaa lagu wadaa in ICJ ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaana dooda ku horreyn doonto Soomaaliya.

Isha warka: Caasimada online

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x