Stavanger: Labo haween ah oo kufsiga haweenay kale ku eedeysan.

0
86
Foto: Politiet

Booliska gobolka Rogaland ayaa labo haween ah oo lixdameeyo jir ah ku eedeeyay kufsi lagula kacay qof sadexaad oo dumar ah.

Christine Kleppa oo ah qareenka booliska Rogaland ayaa sheegay in kufsiga loo arko mid halis ah, maadaama labada Haweenka ah ay si wadajir ah uga wada qeybqaateen.

Kufsigan ayaa sida uu boolisku sheegay ka dhacay guriga mid kamid ah haweenka lasoo eedeeyay, 17-kii bishii lasoo dhaafay ee August.

Haweeneyda ay boolisku sheegeen in kufsiga loo geystay ayaa aqoon u leh labada qof dumar ee falka kufsiga ah lagu eedeeyay. Waxeyna boolisku falkan ogaadeen, labo maalin kadib xiliga uu dhacay.

Labada dumarka ah ee lasoo eedeeyay ayaa sida ay qareenaduudu sheegeen iska fogeeyay danbiga lagu soo eedeeyay.

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay wali wadaan baaritaanka falkan.

Xigasho/kilde: Politiet i Rogaland har siktet to kvinner i 60-årene for å ha begått en grov voldtekt mot en tredje kvinne.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments