Dowlada Talyaaniga oo dalbatay in loo soo gacangaliyo wadaadka Mulla Krekar.

0
1130
Foto:faksimile/NRK

Sida maanta lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada cadaalada Norway, dowlada Talyaaniga ayaa codsi rasmi ah usoo gudbisay dowlada Norway, si loogu soo gacangaliyo wadaadka Mulla Krekar.

Maxkamad kutaal dalka Talyaaniga ayaa isbuucii hore Krekar iyo labo qof oo kale oo Norway kunool u xukuntay fal la xiriira argagxiso. Waxeyna maxkamadu sheegtay in Krekar uu xubin ka ahaa shabakad argagaxiso oo dalal Yurub ah howlgasha.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Maxkamada Bolzano ayaa Krekar ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah.

Wasaarada Cadaalada ayaa sheegtay inuu soo gaaray dalabka rasmiga ah ee dowlada Talyaaniga, iyada oo sheegtay in codsigaas loo sii gudbin doono garyaqaanka guud ee dowlada, si loo hubiyo shuruucda ku xeeran kiiskan, kahor inta aan jawaab laga bixin.

Wasaarada ayaa NRK u sheegtay in ka shaqeynta codsiga dowlada Talyaaniga ay qaadan karto mudo dheer, kahor inta aan jawaab rasmi ah laga bixin.

Xigasho/kilde: Italia har begjært mulla Krekar utlevert: – Vil ta noe tid

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments