Solskjær VS Solskjær: Macalinka Man UTD oo shaley wiilkiisa Oslo kaga horyimid.

0
111
Foto: Eurosport

Xidigii hore ee kooxda Manchester United, hadana ah macalinka kooxdaas Ole Gunnar Solskjær ayaa shaley garoonka Ullevål ee magaalada Oslo ciyaar saaxiibtinimo kaga horyimid wiilkiisa Noah oo 19 sano jir ah.

Ciyaarta u dhaxeysay kooxaha Manchester iyo Kristiansund ayaa waxey kusoo dhamaatay 1-0, oo ay guusha ku raacday kooxda Manchester.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan).

Daqiiqadihii danbe ee ciyaarta, waxaa garoonka badal kusoo galay Noah oo ah wiilka macalin Solskjær, kaas oo katirsan kooxda labaad ee Kristiansund.

Wargeysyada Norway ayaa iska hor imaanshaha wiil iyo aabihii ee garoonka ku tilmaamay dhacdo naadir ah, taariikhina ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments