Bærum: Masaajidkii la weeraray oo u tacsiyeeyay aabaha ninkii masaajidka soo weeraray.

0
108
Foto: TV-Skjermdump

Maamulka masaajidka Al Noor Islamic Senter ee magaalada Bærum, oo ahaa masaajidkii sabtidii la weeraray, ayaa tacsi u diray aabaha ninkii masaajidka soo weeraray.

Philip Manshaus oo ah 21-jirka masaajidka weeraray ayaa inta uusan masaajidka soo aadin dilay Johanne oo aheyd gabar uu soo korstday aabaha ninkan.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Aabaha ayaa warbaahinta u sheegay in qoysku ay heleen tacsi ka timid meelo kala duwan, oo ku saabsan geerida gabadhiisa. Isaga oo si gaar ah u xusay, mahadna u celiyay maamulka masaajidka uu wiilkiisu weeraray ee ku dhiiraday inay qoyska u tacsiyeeyaan.

Qoyska ayaa sidoo kale sheegay inay tacsi ka gudoomiyaha Dalada ururada islaamiga ah ee Norway.

Maxkamada Oslo ayaa shaley ogolaatay in xabsiga la dhigo Philip Manshaus afar isbuuc oo kumeel gaar ah, inta kiiskiisa laga soo baarayo.

Xigasho/kilde: Johanne (17) drept: – Familien er i sjokk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments