Afartan musharax ee soomaalida ah ayaa sanadkan Oslo ka sharaxan.

0
238
Fawzi, Kaafiyo, Abdi iyo Ubah= Afarta musharax ee soomaalida ah sanadkan.

Bisha September ee sanadkan waxaa Norway ka dhici doonto doorashada goloyaasha deegaanka oo afartii sanaba mar la qabto. Iyada oo sanadkan la filayo in doorashadan ay noqoto mid adag, maadaama xulufeysiga iyo wada shaqeynta xisbiyadu ay Aad isku bad-badalayaan.

Soomaalida kunool Norway ayaa waxaa lagu qiyaasaa ilaa 45 kun qof, kuwaas oo badankooda degan Oslo iyo nawaaxigeeda. Waxaana sanadkan guud ahaan Norway ka sharaxan siyaasiyiin soomaali ah oo kala matala garabyada iyo xisbiyada siyaasada Norway.

Oslo: Afar musharax oo soomaali ah

Oslo oo ah meesha mar walba isha lagu hayo xiliyada doorashada ayaa sanadkan waxaa doorashada golaha deegaanka ka sharaxan afar siyaasi oo soomaali ah, kuwaas oo sadex kamid ah ay ku cusubyihiin ololaha loolanka doorashada.

Labada siyaasi ee soomaalida ah ee xiligan kujiro golaha deegaanka Oslo, Baashe Muuse iyo Faaduma Cali Madar Ayaan labuduba sanadkan kamin aheyn xubnaha ka sharaxan Oslo.

Waxaa markii ugu horeysay sanadkan liiska musharaxiinta golaha deegaanka Oslo kasoo muuqday labo dhalinyaro, ardey jaamaceed oo soomaali ah. Kuwaas oo labaduba ka sharaxan xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Fawzi Cabdirashiid Warsame oo isna ah ardey dhigta jaamacada Oslo ayaa sanadkan kamid ah dadka u sharaxan kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo. Fawzi oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka AUF, qeybtiisa Oslo ayaa sidoo kale sanadkii 2017 kamid ahaa liiska musharaxiinta baarlamaanka Oslo. Waxaana isaga sidoo kale soo sharaxay ururka AUF oo in mudo ah katirsanaa, xilal kala duwana kasoo qabtay.

Kaafiyo Haaruun Xaashi oo ah ardayad jaamacada Oslo dhigata, horeyna xilal kala duwan uga soo qabatay ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF ayaa sanadkan markii ugu horeysay kamid ah dadka u sharaxan kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo. Waxaana Kaafiyo soo sharaxay ururka Auf.

Xisbiga SV ayaa iyagana soo sharaxay Abdi Said Diiriye oo ah dhakhtar bartay cilmi nafsiga. Abdi ayaa kamid ah dhalinyarada sanadkan ku cusub tartanka loolanka Oslo, wuxuuna dhowr mar kasoo muuqday warbaahinta Norway.

Ubah Cabdulaahi Aadan oo sanadkii 2011 kamid noqotay golaha deegaanka Oslo ayaa sanadkan markale kamid ah dadka u sharaxan kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo. Waxeyna ubah kujirtaa booska ugu horeeyo ee liiska musharaxiinta soomaalida.

Marka laga soo tago afartan musharax, waxaa jiro tobanaan musharaxiin soomaali ah oo u sharaxan kamid noqoshada maamulka xaafada Oslo.

Doorashada Oslo ee sanadkan ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo. Iyada oo ay su´aal ka taagantahay in xisbiyada bidixda ay sii heysan awooda maamulka Oslo iyo in kale.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments