Wasiirkii xadgudubka galmada ku eedeysnaa oo 5 sano iyo magdhow lagu xukumay.

0
85
Svein Ludvigsen wasiirka eedeynaha ah

Wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, Svein Ludvigsen, ahaana gudoomiyaha gobolka Troms iyo xubin katirsanaa baarlamaanka Norway, ayaa maanta lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Maxkamada Troms ayaa Svein Ludvigsen oo 72 sano jir ah ku heshay danbi lagu soo eedeeyay, oo ahaa in isaga oo ka faa´iideysanayo awooda booskiisa shaqo uu xadgudub iyo gabood falo galmo ah ku sameeyay sadex dhalinyaro qoxooti ah.

Shirkada: Waxaan ku siin doonaa saacad aan ku dhageysano kiiskaaga, si aan u qiimeyno. Waxaa noo shaqeeyo turjubaano soomaali ah

Sadex dhalinyaro wiilal ah oo qoxooti ahaan kusoo galay Norway, ayaa Ludvig ku eedeeyay inuu kula kacay gabood fal galmo noocyo kala duwan ah, isaga oo u balan qaaday inuu ka caawin doono helista sharciga magangalyada, shaqooyin ay ka shaqeystaan, iyo guryo ay degaan. Isaga oo dhanka kalena ku wargaliyay inuu ka qaadi karo sharciga dhalashada iyo kan qoxootiga.

Xeer ilaalinta ayaa horey u codsatay in shan iyo sano xabsi ah lagu xukumo Ludvig, balse waxey maxkamadu hada ugu danbeyn ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo dhan  743.000 kr, taasna oo la siin doono dhibanayasha dacwada kusoo oogay Ex-wasiir Ludvig.

Qareenka Ludvig ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaa go´aanka maxkamada koowaad ee xukunka shanta sano ah.

Xigasho/kilde: Svein Ludvigsen dømt til fem års fengsel – anker dommen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments