BBC: Dad loo xiray dil London loogu gaystay wiil Soomaali ah

0
199
Foto: Metro Police Sawirka: Marxuumka la dilay ee Maxamed Yuusuf

Booliska magaalada London ayaa labo ruux usoo qabtay dil isbuucii hore magaaladaas loogu geystay will dhalinyaro soomaali ah. Waxeyna boolisku labadan qof kusoo oogeen dacwad la xiriirta dilka Yuusuf Maxamed oo ah marxuumka la dilay.

Yuusuf Maxamed ayaa la weeraray isaga oo ku sugan Uxbridge Road, Shepherd’s Bush oo London ku taalla maalintii Arbacada ahayd ee taariikhdu ahayd 26 Juunyo.

Booliiska ayaa sheegay labada qof ee dacwada lagu soo ooga da´ahaan kala jiraan 17 iyo 18 sano. Waxaana qabashadooda toos loola xiriiranayaa falka dilka.

Dilka wiilkan soomaaliga ah ayaa loo adeegsaday mindi, waxeyna baaritaano lagu sameeyay maydka Maxamed muujiyeen in uu u geeriyooday hal toori oo lagu dhuftay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments