Wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, Svein Ludvigsen, ahaana gudoomiyaha gobolka Troms iyo xubin katirsanaa baarlamaanka Norway, ayaa maanta lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.
Maxkamada Troms ayaa Svein Ludvigsen oo 72 sano jir ah ku heshay danbi lagu soo eedeeyay, oo ahaa in isaga oo ka faa´iideysanayo awooda booskiisa shaqo uu xadgudub iyo gabood falo galmo ah ku sameeyay sadex dhalinyaro qoxooti ah.
Sadex dhalinyaro wiilal ah oo qoxooti ahaan kusoo galay Norway, ayaa Ludvig ku eedeeyay inuu kula kacay gabood fal galmo noocyo kala duwan ah, isaga oo u balan qaaday inuu ka caawin doono helista sharciga magangalyada, shaqooyin ay ka shaqeystaan, iyo guryo ay degaan. Isaga oo dhanka kalena ku wargaliyay inuu ka qaadi karo sharciga dhalashada iyo kan qoxootiga.
Xeer ilaalinta ayaa horey u codsatay in shan iyo sano xabsi ah lagu xukumo Ludvig, balse waxey maxkamadu hada ugu danbeyn ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.
Sidoo kale waxaa lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo dhan 743.000 kr, taasna oo la siin doono dhibanayasha dacwada kusoo oogay Ex-wasiir Ludvig.
Qareenka Ludvig ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaa go´aanka maxkamada koowaad ee xukunka shanta sano ah.
Xigasho/kilde: Svein Ludvigsen dømt til fem års fengsel – anker dommen