Norway: Faro halago qaado, dhamaan dadka Norway soo gala ama codsado inay soo galaan.

0
245

Dowlada Norway ayaa baarlamaanka u gudbisay soo jeedin ku saabsan in isbadal lagu sameeyo sharciga soo galootiga Norway, si ay dowladu sharci ugu hesho inay faro ku qaado dhamaan dadka codsado inay Norway soo galaan.

Xeerka Norway ee hada lagu dhaqmo, ayaa ah in faro iyo sawir wajiga ah laga qaado, dadka magangalyada codsado. Halka dadka dacwo ahaanta lagu keeno, ama qaababka kale Norway kusoo galo, laga qaado oo kali ah sawirka wajiga.

Dowlada ayaa hada baarlamaanka ka codsatay in loo ogolaado in faro laga qaado dhamaan dadka codsado inay Norway soo galaan, dacwo, magangalyo ama qaab kaleba. Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba.

Waxeyna sidoo kale codsatay in faraha la keydiyo, ayna dowladu ogolaansho u hesho keydinta farahaas, waqti ka badan waqtiga ay hada awooda u leeyihiin.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil ta fingeravtrykk av alle som søker oppholdstillatelse.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments