lørdag, april 20, 2024

PST-da Norway oo xabsiga dhigtay wadaadka Mulla Krekar.

Hey´adda nabadsugida iyo sirdoonka Norway ee PST, ayaa xabsiga dhigtay wadaadka caanka ka ah warbaahinta Norway ee Najmuddin Faraj Ahmad oo loo Hanaan Mulla Krekar.

Xiritaanka Mulla Krekar ayaa timid kadib markii codsi uu ka yimidm dowlada Italy.

Maxkamad kutaal dalka Italy ayaa shaley Krekar ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriira argagaxiso.

Dowlada Italy ayaa Krekar ku eedeyneyso inuu kamid yahay aas-aasayaasha koox argagaxiso oo xiriir la leh ururka Daacish.

Qareenka wadaadka ayaa sheegay in qabashada Krekar ay tahay mid sharci daro ah oo kasoo horjeedo xuquuqda insaanka, maadaama Krekar uusan joogin goobta lagu maxkamadeeyay. Uusana helin fursad uu isku difaaco, oo uu kiiskiisa kusoo bandhigto.

Krekar ayaa sidoo kale horey ugu jiray liiska argagaxisada ee Qaramada midoobay, isaga oo marar badan maxkamadaha Norway ay horey ugu xukumeen falal la xiriira argagixiso ama hanjabaad shaqsiyeed.

Wadaadkan ayaa asal ahaan kasoo jeedo Ciraaq, qeybta Kurdida, wuxuuna horey u heysta dhalashada Norway. Kahor inta aysan maxkamada racfaanka Norway, aysan ka qaadin sharciga Dhalashada.

Xigasho/kilde: Aftenposten: Mulla Krekar pågrepet mandag kveld av PST etter etterlysning fra Italia.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x