Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa ka fariisaneysa dhageysiga racfaan ay qaadatay haweenay horey loogu xukumay xadgudub aflagaado naceyb ah, oo ay u geysatay gabar dhalinyaro qoraa soomaali ah.
Maxkamada racfaanka ee darajada labaad ayaa haweenaydan oo 70 sano jir ah horey ugu xukuntay 14 maalmood oo xabsi ay shurnuud la socoto ah.

Qareenka haweeneydan ayaa racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada racfaanka, wuxuuna racfaankiisa u gudbiyay maxkamada sare oo hada aqbashay dhageysiga kiiskan.
Haweeneydan ayaa commenti ay ku qortay Facebooga ku aflagaadeysay Sumaya Cali Jirde oo ah qoraa, gabyaa iyo aktiviste dhalinyaro soomaali ah.