Norway: Wasiir sanadkii tagay faa´iiday 15 milyan Kr.

0
223
Madaxweyne Farmaajo iyo wasiir N. Astrup Foto: NorwayinSomalia

Shirkad maalgalineed oo uu leeyahay wasiirka Teknoolijada casriga ah ee dowlada Norway, Nikolai Astrup ayaa sanadkii hore faa´iiday lacag dhan 15 milyan oo lacagta Norway ah.

Wasiirka oo ah milkiilaha shirkada maalgalineed ee Pactum Beta ayaa waxaa intaas u dheer mushaarka wasiirnimo oo dhan 1,4 milyan oo lacag Norway ah.

Shirkada wasiirka ee Pactum Beta ayaa waxey hada maamushaa lacag gaareyso 234 milyan oo lacagta Norway ah. Wuxuuna wasiirku lacagta inteeda badan ka dhexlay aabihii  Eivind Astrup oo sanado kahor hantidiisa dhaxal ahaan ugu qeybiyay afar wiil oo uu dhalay, uuna kamid ah yahay wasiir Nikolai Astrup.

(XYS) Shirkada qareenada: Sharcigu xaqiisa ma siiyo qofkii aamusa, nala soo xiriir, si aan kiiskaaga u maqalno, talana kaaga siino: 45970350 ama riix sawirka kore.

Nikolai Astrup ayaa hada ah siyaasiga ugu taajirsan wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka Norway, wuxuuna booska kala baxay gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større oo laftirkiisu dhaxal ahaan qoyskooda uga helay malaayiin kroner.

Shirkada wasiirka Pacrum Beta ayaa maalgashi ku sameyso shirkadaha ka shaqeeyo maraakiibta, hantidada ma guurtada ah iyo saamiyada(Aksje) shirkadaha soo kobcayo. Waxeyna labadii sano ee ugu danbeysay faa´iido ahaan heshay lacag gaareyso 17,5 milyan oo kroner.

Xigasho/kilde: DN: Regjeringens rikeste tjente over 15 millioner kroner i fjor.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments