Maxkamada sare oo ka fariisaneysa kiiskii Sumaya Jirde iyo haweenaydii aflagaadeysay.

0
152

Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa ka fariisaneysa dhageysiga racfaan ay qaadatay haweenay horey loogu xukumay xadgudub aflagaado naceyb ah, oo ay u geysatay gabar dhalinyaro qoraa soomaali ah.

Maxkamada racfaanka ee darajada labaad ayaa haweenaydan oo 70 sano jir ah horey ugu xukuntay 14 maalmood oo xabsi ay shurnuud la socoto ah.

XYS: Shirkada: Kiis makaala dhaxeeyaa hey´addaha NAV, UDI, Barnevern ama booliska: Waxaad xaq u lahaan kartaa qareen lacag la aan, nala soo xiriir:45970350 ama riix sawirka kore.

Qareenka haweeneydan ayaa racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada racfaanka, wuxuuna racfaankiisa u gudbiyay maxkamada sare oo hada aqbashay dhageysiga kiiskan.

Haweeneydan ayaa commenti ay ku qortay Facebooga ku aflagaadeysay Sumaya Cali Jirde oo ah qoraa, gabyaa iyo aktiviste dhalinyaro soomaali ah.

Xigasho/kilde: Høyesterett skal behandle anken til kvinne (70) dømt for å ha kalt samfunnsdebattant kakerlakk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments