Trondheim: Boqolaal qof oo kasoo qeybgashay aaska Sh/Dr Cabdinuur.

0
105
Foto: Mohamed Abdullahi

Waxaa Allaha ha unaxariistee shaley magaalada Trondheim lagu aasay, Sh/Dr Cabdinuur Maxamed Maxamuud oo kamid ah culimada iyo daaciyaasha soomaaliyeed ee caanka ah.

Sheekh Abdinuur oo ahaa aas aaska xarunta islaamiga ah ee Daarul Imaam, ayaa habeenkii isniinta ku geeriyooday isbitaalka Trondheim oo mudooyinkii danbe uu u jiifay xaalad caafimaad.

Shirkada: Nasoo wac, waxaan ku siineynaa saacad talo bixin ah. Soomaali ayaa nala shaqeyso.

Janaasada iyo aaska sheekh Abdinuur ayaa waxa shaley kasoo qeybgalay boqolaal qof oo ka kala yimid magaalooyinka Norway iyo wadamada dariska aj.

Dr Cabdinuur ayaa daacinimada ka sakow ahaa qoraa qoray, sidoo kalena turjumay buugaag dhowr ah oo islaami ah, kuwaas oo fahanka diinta islaamka loogu fududeynayo dadyowga aan muslimka aheyn. Wuxuuna casharo ka bixin jiray jaamacadaha Norway iyo xarumaha kale ee lagu soo bandhigo dhaqamada iyo diimaha.

Dr Cabdinuur marar badan kasoo muuqday warbaahinta lokalka ah ee Trondheim, isaga oo warireyaasha iyo dadka kale ee xiiseynaya islaamka ugu jawaabi kara su´aalaha la xiriira islaamka iyo muslimiinta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments